Hordhac
In la gaaro guul dhab ah ma aha arrin nasiib uun ku timaada. Waa natiijada fikir sax ah, caadooyin joogto ah, iyo horumar joogto ah oo nafeed. Qof kasta oo noloshiisa doonnaya inuu beddelo waa inuu marka hore beddelaa maskaxdiisa. Halkan hoose waxaan kuugu soo koobnay 10 talo oo kaa caawinaya inaad dhisto maskax guuleysata (Successful Mindset).
1. Is-aqoonsasho Samee
Guusha dhabta ah waxa ay ka bilaabataa fahamka naftaada. Ogoow cidda aad tahay, waxaad ku fiican tahay, iyo meelaha aad uga baahan tahay horumarka.
- Qor waxa kugu adag iyo waxa kugu dhiirrigeliya.
- Dib u milicso habeen kasta si aad u aragto halka kuu hagaagtay.
- La tasho dad daacad kuu ah oo kuu sheegi kara runta si dhab ah naftaadana u dana.

2. Kor U Qaad Koboca Maskaxdaada
Haka baqin guuldarrooyinka. Dadka guuleysta waxa ay guuldarro kasta uga faa’iideeystaan cashar cusub.
- Ku beddel “Ma awooddo” erayga “Weli ma baran.”
- Ku dhiirrigeli naftaada markaad fashil dareento, adigoo weydiinaya: Maxaan ka baran karaa?
- Faham in guushu aysan halmar imaan, balse ay tahay safar nololeed kaasoo dadaal iyo sabar u baahan.
3. Deji Yoolal Cad Cad
Guul la’aantu badanaa waxay timaadaa marka aan la ogeyn meesha loo socdo.
- Isticmaal qaabka SMART (Specific, Measurable, Achievable, Relevant, Time-bound).
- U kala qeybso yoolal yaryar oo la qiyaasi karo.
- Dib u eeg qorshahaaga bil kasta.
- Specific – Gaar ah / si cad u qeexan
- Measurable – La cabbiri karo / lagu qiyaasi karo
- Achievable – La gaari karo / suurtagal ah
- Relevant – Khuseeya / la xiriira yoolka guud
- Time-bound – Xilli lagu xaddiday / wakhti go’an leh
Marka la isku geeyo, waa qaabka loo yaqaan SMART Goals, oo micnaheedu yahay:
Yool si cad loo qeexay, la cabbiri karo, la gaari karo, muhiim ah, oo leh waqti cayiman.
4. Dhiso Adkaysi
Caqabaduhu waa qayb nolosha kamid ah, balse adkeysigu waa furaha guusha.
- Baro sida loo xakameeyo walbahaarka.
- Diirradda saar waxa aad xakameyn karto.
- Ka qaado cashar xaalad kasta oo adag.
5. Samee Caadooyin Joogto ah
Caadooyinka wanaagsan waa tiirka nolosha guuleysata.
- Ku bilow tillaabooyin yar-yar oo aad si joogto ah u fulin karto.
- Beddel caadooyinka xun xitaa hal talaabo maalintii.
- Qor ama la soco horumarkaaga si aad u aragto isbeddelka.

6. Waqtiga La Qaado Dadka Wanaagsan
Noloshaada waxaa si weyn u saameeya dadka kugu dhow.
- Ka fogow dadka ku niyad-jabiya ama hadalka xun kugu afuufa.
- Ku biir kooxo ama bulshooyin wax dhisaya.
- La shaqee dadka kuu dhiirrigelin kara fikir ahaan iyo ruux ahaanba.
7. Baro Wax Cusub Maalin Kasta
Guusha joogtada ahi waxa ay u baahan tahay barasho joogto ah.
- Akhri buuggaagta, maqaalada, ama dhegeyso podcasts faa’iido leh.
- Qaado koorsooyin online ah oo xirfadahaagga xoojinaya.
- Isku day inaad dhaqangeliso waxa aad baratay isla maalintaas.
8. Ku Noolow Mahadnaq
Mahadnaqu wuxuu furaha u yahay farxad iyo dejin maskaxeed.
- Maalin kasta qor saddex shay oo aad ku mahadsan tahay.
- Xasuuso in farxadda dhabta ahi aysan ku xirnayn hantida, balse ay tahay aragtida.
- Ku dadaal inaad ka eegto wanaagga xaalad kasta.

9. Qaado Mas’uuliyadda Noloshaada
Guul iyo guuldarro labaduba waa qayb adiga kaa bilaabata.
- Ha raadin cid lagu eedeeyo.
- Ogow in aad adigu awood u leedahay inaad beddesho noloshaada.
- Marka aad khalad samayso, aqbal oo wax ka baro.
10. Ku Arag Guusha Maskaxdaada
Fikirkaagga ayaa abuuraya noloshaada mustaqbalka.
- Maalin kasta sawir nolosha aad rabto adigoo maskaxda ku hayo.
- Samee vision board ama sawir muujinaya riyadaada.
Vision Board waa loox ama sawir-isku-dhaf (collage) qofku kusoo bandhigo yoolalka iyo riyooyinka uu doonnayo inuu gaaro. Waxaa lagu sawiraa ama lagu dhejiyaa sawirro, qoraallo, iyo erayo dhiirrigelin leh oo matalaya waxa uu qofku mustaqbalka rabbo — sida shaqada, nolosha, caafimaadka, xiriirka, ama hantida.
- Ujeeddadiisu waa in lagu xoojiyo aragti maskaxeed iyo dhiirrigelin maalinle ah, si qofku had iyo jeer u xasuusto halka uu u socdo, uguna sii dhowaado riyadiisa ficil ahaan.
- Xasuuso in aragtida uu la socda ficilku ay keento guul dhab ah.
Dhammaad
Guusha ma timaado habeen iyo maalin, balse waxay ku timaadaa isbeddel yar oo joogto ah maalin kasta. Maskaxda guuleysata waa mid is-baraysa, is-hagaajisa, oo aan ka baqin horumar. Haddaba, bilaaw maanta — hal talaabo oo yar oo sax ah ayaa kaa dhigi karta qofka aad rabto inaad noqoto.















1 thought on “10 Talo oo Horumarinta Nafta ah oo Dhisa Maskax Guuleysata”
Pingback: Qaybta 1: Eber Talaabo – Fahamka Naftaada Si Dhab Ah!! - THeYool