Soo Koobida Buugga: Cilmi-Nafsiga Lacagta – Fahamka Dabeecadda Lacagta iyo Go’aan Qaadashada

THE PSYCHOLOGY OF MONEY

QORAAGGA BUUGGA: MORGAN HOUSEL

Buugga “The Psychology of Money” ee uu qoray Morgan Housel waxaa markii ugu horeysay la daabacay September 2020. Inkastoo tirada sax ah oo la iibsaday aan la shaacin, waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 1 milyan oo nuqul in la iibsaday.

HORDHAC

Qof walba wuu ogyahay sida loo sameeyo lacag, laakiin dadka yar ayaa garan karo sida loo ilaaliyo.
Buuggan wuxuu inoo muujinayaa in lacagtu aysan ku xirnayn caqliga oo kaliya, balse ay si qoto dheer ugu xiran tahay waxa aynu dareemno, ka fikirno, iyo sida aan u aragno nolol ahaan.

Buugga The Psychology of Money ee uu qoray Morgan Housel waa mid si qoto dheer u falanqeynaya sida ay dhaqaalaha iyo maaliyadda qofka ula falgalaan maskaxda bini’aadamka. Buuggu wuxuu diirradda saaraya in guusha maaliyaddeed aysan ku xirnayn kaliya aqoon ama xirfad lala yimaado, balse ay si weyn ugu xiran tahay anshaxa qofka iyo habka uu u fahmo lacagta.

Dadka intooda badan waxa ay u maleynayaan in si ay u noqdaan kuwo maalqabeen ah ama ay si fiican u maareeyaan lacagtooda, ay u baahan yihiin aqoon sare oo xisaabeed, faham qoto dheer oo ku saabsan suuqa maalgelinta, ama xeeladdo sir ah oo ganacsi. Laakiin Housel wuxuu caddeynayaa in dhaqanka qofka uu yahay arrinta ugu muhiimsan ee go’aammisa sida lacagtu ugu shaqeynayso qofka.

Buuggu wuxuu inoo sharxayaa in qof walba uu si gaar ah u fahmo lacagta, taasoo la xiriirta waaya-aragnimadiisii hore, dabeecaddiisa, iyo xaaladaha uu kusoo barbaaray. Waxa uu inoo bidhaaminayaa in xitaa aqoonyahannada maaliyaddeed ay mararka qaar sameeyaan khaladaad ay sabab u tahay hab-fikirka bani’aadamka ee xagga dhaqaalaha.

Sidaas darteed, buuggu ma’ahan mid kaliya wax ka sheegaya xeeladdo xisaabeed ama maalgelin la sameeyo, balse wuxuu muujinnayaa sida qofku uga adkaan karo caqabaddaha maskaxeed ee la xiriira lacagta, sida uu uga dheeraan karo waxyaabaha sababa khasaaraha dhaqaale, iyo sida uu u qaabeyn karo nolol dhaqaale oo sugan oo la isku haleyn karo.

Morgan Housel wuxuu buuggan uga gol leeyahay in uu akhristaha fahamsiiyo in lacagtu aysan ahayn wax loo maareeyo si dareen la’aan ah ama kaliya cilmi ahaan, balse ay tahay wax si xeeldheer looga fakaro. Wuxuu si cad u muujinayaa in “guusha maaliyadeed aysan ahayn mid lagu gaaro aqoon sare oo kaliya, balse ay tahay in la fahmo dhaqanka, dulqaadka, iyo xakameynta dareenka la xiriira lacagta.”

Caqliga Lacagta

Sidaa darteed, haddii aad raadinneyso inaad hagaajiso noloshaada dhaqaale, in aad ka baxdo caaddooyinka maaliyadeed ee qaldan, ama aad fahamto sida ugu wanaagsan ee aad lacagtaada uga shaqeysiin karto, buuggan wuxuu kuu noqon karaa tilmaame aad u weyn.

Buuggu wuxuu ka kooban yahay 19 cashar oo dhammaantood sal u ah fahamka maaliyadda, dhaqaalaha, iyo anshaxa lacagta. Halkan waxaa ku xusanaynaa qaybaha ugu muhiimsan:

  • Maaliyaddu waxa ay si toos ah ula xiriirtaa dabeecaddaha qofka iyo sida uu u maareeyo dhaqaalaha, halkii ay ka ahaan lahayd wax si cilmiyeed loo xisaabinayo.
  • Dadku si kala duwan ayey u fahmaan lacagta, iyadoo ay saameyn ku yeelanayso waaya-aragnimaddoodii hore.
  • Xitaa dadka aadka u aqoonta badan ee xagga maaliyadda, sida maalqabeennada iyo khubarada, mararka qaar waxa ay sameeyaan go’aanno maaliyaddeed oo aan sax ahayn sababo la xiriira dabeecadda bani’aadamka.
  • Fahamkaagga maaliyaddeed wuxuu si weyn ugu salaysan yahay xaaladaha aad ku soo kortay, waaya-aragnimaddaadi hore, iyo caqabadaha nololeed ee aad la kulantay. Sidaas darteed, majirto hal qaab oo sax ah oo qof walba u shaqeynaya.
  • Haddii aad rabto inaad maareyso lacagtaada si wanaagsan, waa in aad marka hore fahanto dhaqankaaga xagga lacagta, waxna aad ka barataa khaladaadkii aad horey u lagala kulantay maaraynta dhaqaalaha.
  • Dadka ugu guusha badan ee dhanka maaliyadda ma’ahan kuwa leh aqoon sare oo xisaabeed, balse waa kuwa yaqaan sida ay maskaxdoodu uga adkaato dareenka iyo dhaqamada dhaawici kara xaaladooda dhaqaale.
  • Sida aad lacagta u aragto iyo sida aad u maamusho waxa ay saameyn weyn ku yeelan doontaa noloshaada dhaqaale ee mustaqbalka. Waxaa muhiim ah in aad ogaatid in fahamka maaliyaddeed uu ka muhiimsan yahay xisaab kaliya.
  • Sabirka iyo dulqaadku waa furaha guusha dhaqaale.
  • Maaha in aad lacag badan hesho kaliya, balse waa in aad la timaaddo dulqaad iyo qorshe maaliyadeed oo fog.
  • Dadka guuleysta waa kuwa fahma sida loo sugo kobaca dhaqaale ee muddada fog.
  • Maalgashiga guuleysta wuxuu u baahan yahay dulqaad, maadaama faa’iiddada weyn ay timaado waqti dheer kadib.
  • Dadka dulqaadka badan waxa ay ka fogaadaan go’aannada degdegga ah oo ay ka shalaayaan mustaqbalka.
  • Lacagtaada maalgashi ku samee si aad waqti dheer uga faa’iiddaysato, halkii aad sugi lahayd faa’iiddo degdeg ah oo halis ah.
  • Haddii aad rabto inaad maalgelin sameyso ama aad lacagtaada ka shaqeysiiso, waxaa muhiim ah in aad ogaato sida khataraha loo xakameeyo.
  • Guusha dhaqaale ee qofka waxa ay la xiriirtaa awooddiisa uu u leeyahay in uu yareeyo halista maaliyaddeed.
  • Inaad si xad dhaaf ah u qaadato khatar dhaqaale waxa ay keenni kartaa burbur, sidaa darteed waa in aad xisaabtanto oo aad taxaddar samaysaa kahor intaadan gelin lacag aad u badan meel halis ah.
  • Dad badan oo guuleysta waxa ay raacaan xeeladdo ay ku yareynayaan halista, halkii ay halis weyn gelin lahaayeen halmar.
  • Inaad la timaaddo qorshe maaliyaddeed oo taxaddar leh ayaa ka muhiimsan inaad raadiso faa’iiddo degdeg ah oo aad khatar badan geliso hantidaada.
  • Qof walba wuxuu leeyahay hadaf u gaar ah, looma baahna in aad isbarbardhigto dad kale.
  • Lacagtaada u maamul si waafaqsan hadafyadaada gaarka ah, halkii aad la tartami lahayd qof kale.
  • Dad badan oo guuleystay waxa ay ogyihiin in tartanka xad-dhaafka ah ee maaliyaddeed uu sababi karo go’aanno degdeg ah oo aan xikmad lahayn.
  • Isbarbardhigu wuxuu keennayaa walaac aan loo baahnayn, taasoo saameyn ku yeelan karta maskaxda iyo go’aannada dhaqaale ee qofka.
  • Waxaa muhiim ah in aad diirrada saarto horumarkaagga shakhsiyeed halkii aad la tartami lahayd dadka kale, maxaa yeelay qof walba wuxuu ku jiraa safar u gaar ah.
  • Inaad hesho lacag badan macnaheedu maaha in aad si wanaagsan u maareyneyso dhaqaalahaagga.
  • Dad badan oo maalqabeenno ah ayaa waayay lacagtoodii maxaa yeelay ma ay garanaynin sida loo xakameeyo kharashka.
  • Waa muhiim in aad la timaaddo caaddooyin dhaqaale oo sugan, si aad uga faa’iiddaysato lacagtaada muddada fog.
  • Maaliyad sugan waxa ay ku timaadaa xakamaynta kharashaadka iyo yoolal maaliyaddeed oo cad cad, halkii la isku hallayn lahaa kaliya dakhliga sare.
  • Badbaadinta lacag iyo sameynta maalgashi taxaddar leh waxa ay kaa dhigeysaa mid mustaqbalkiisa sugo, halkii aad si xad-dhaaf ah ugu tiirsanaan lahayd dakhligaagga maalinle ah.
  • Dad badan waxa ay aaminsan yihiin in haddii ay lacag badan helaan ay heli doonnaan badbaaddo dhaqaale, balse waa muhiim in la fahmo in xakameynta maaliyaddeed ay ka muhiimsan tahay helitaanka lacag badan.
  • Waxaad helaysaa dhaqaale wanaagsan haddii aad barato is-celinta iyo ka fogaanshaha kharashaadka aan muhiimka ahayn.
  • Dadka ugu maalqabeensan adduunka waxa ay leeyihiin caaddooyin ka fog xadgudubka dhaqaale.
  • Qorshaha maaliyaddeed ee guuleysta wuxuu ku salaysnaannayaa xakameynta rabitaannada gaarka ah iyo in la sugo mustaqbalka.
  • Is celintu waa xirfad muhiim u ah guusha dhaqaale ee muddada fog, maxaa yeelay waxa ay kuu ogolaanneysaa inaad keydsato lacag si aad uga faa’iiddaysato fursaddaha soo baxa.
  • Inta badan dadka lacagta badan waaya waxa ay sabab uga dhigaan in aysan lahayn xakameyn sax ah oo kharashkooda ah.
  • Ka fogaanshaha kharashaadka aan lagama maarmaanka ahayn waxa ay kuu sahli kartaa inaad dhisto nolol dhaqaale oo xasilloon.
  • Dhaqaalahaaggu si wanaagsan uma kobcin karo haddii aad rabto guul deg deg ah.
  • Maalgelinta guusha leh waa mid muddo dheer qaadata, oo dulqaad iyo samir u baahan.
  • Dadka lacagtoodu sida xikmada leh u shaqeyso waa kuwa fahma in wax walba ay kobcaan waqti kadib.
  • Waxaa muhiim ah in aad fahanto in faa’iiddada waqtiga dheer ay inta badan ka khayr badan tahay macaashka degdegga ah ee halista badan.
  • Maalgashadayaasha guuleysta sida Warren Buffett waxa ay guushooda ku dhiseen dulqaad iyo qorshe waqti dheer ah, halkii ay iskudayi lahaayeen inay suuqa si degdeg ah uga macaashaan.
  • Xaqiiqadu waxa ay tahay in maalgelinta joogtada ah ay aad uga faa’iiddo badan tahay in la iskudayo in suuqa la saadaaliyo ama la raadsho fursado degdeg ah.
  • Qof walba wuxuu jecel yahay inuu wax badan helo, laakiin rabitaanka aan xaddidnayn wuxuu keennaa xaalad dhaqaale oo aan degganeyn.
  • Dadka qaar waxa ay kasbadaan lacag badan, balse haddana way la’yihiin degennaansho maaliyaddeed maxaa yeelay had iyo jeer waxa ay rabaan wax intaas kasii badan.
  • Waa muhiim in qofku xakameeyo rabitaankiisa kharash bixinta si uu u sugo nolol dhaqaale oo xasilloon.
  • La qabsiga iyo qanacsanaanta waxa aad haysato waa mid muhiim u ah helitaanka farxad iyo xasiloonni dhaqaale.
  • Waxaa jira dad badan oo dakhligoodu sarreeyo, balse haddana ku jira dhibaato maaliyaddeed, sababtoo ah waxa ay helaan wax badan, balse intaas kasii badan ayey qarash gareeyaan.
  • Ka fakar sideey noloshaadu noqon lahayd haddii aad dhaqaale ahaan deggennaan lahayd, halkii aad marwalba ka welweli lahayd si aad wax badan u kasban lahayd.
  • Majiro qof ku qanacsan inta uu haysto, laakiin xasilloonnida maaliyaddeed ayaa ka muhiimsan lacag badan.
  • Haddii aad maareyn karto kharashaadkaagga, keydin karto lacag, oo aad dareento in aad sugnaansho dhaqaale leedahay, waxa ay taasi ka muhiimsan tahay in aad lacag badan kasbato.
  • Dad badan waxa ay u maleeyaan in lacagta badan ay ka dhigeyso mid faraxsan, laakiin xaqiiqadu waa in farxadda ay badanaa la xiriirto sida aad lacagtaada u maareyso.
  • Qof lacag yar haysta balse si wanaagsan u maareeya noloshiisa, ayaa ka xasillooni badan qof lacag badan kasbada balse aan si wanaagsan u xakameynin kharashaadkiisa.
  • Hadafkaagga maaliyaddeed waa inuu noqdaa xasiloonni dhaqaale halkii aad diirradda saari lahayd raadinta lacag badan oo aan xaddidnayn.
  • Xasilloonnida maaliyaddeed waxa ay kaa caawinaysaa inaad yeelato xorriyad go’aan qaadasho, halka lacag badan oo si aan sax ahayn loo maareeyo ay kaa dhigi karto qof dhibaato badan oo dhaqaale la kulma.
  • Mararka qaar waa fiican tahay in aad seegto fursado aad u halis badan.
  • Dad badan waxa ay ku guuldarreystaan dhaqaalahooda maxaa yeelay waxa ay isku dayaan inay ka faa’iiddaystaan fursad kasta oo muuqata, xitaa kuwa aan la hubin.
  • Inaad fursado badbaado leh raadiso waxa ay ka muhiimsan tahay inaad iskudaydo fursaddo degdeg ah oo aad u fara badan.
  • Dadka maalgashiga sameeya ee guuleysta waxa ay bartaan inaysan iskudayin fursad kasta oo soo baxda, balse ay doortaan kuwa saxda ah oo waafaqsan yoolalkooda maaliyaddeed.
  • Waa inaad fahamtaa in “fursaddaha lumay, aysan mar walba dhibaato ahayn”, laakiin qaadashada fursado khaldan ay horseedi karaan burbur dhaqaale.
  • Qof walba wuxuu lacagta u fahmaa si gaar ah, iyada oo ku xiran waaya-aragnimadiisa iyo xaaladaha uu kusoo barbaaray.
  • Dadka qaarkood waxa ay aaminsan yihiin in maalgelinta suuqyada ay tahay dariiqa saxda ah ee lacag lagu kasbado, halka kuwa kale ay u arkaan inay halis badan tahay.
  • Waa muhiim in aad ogaato in habkaaga maaliyaddeed uusan ku habboonnayn qof walba, sidoo kale habka qof kale u maareeyo lacagtiisa maaha mid kugu habboon adiga.
  • Waxaa lagama maarmaan ah in aad wax ka barato waayo-aragnimada dadka kale, laakiin waa in aad go’aannadaada ku saleysaa baahiyahaaga gaarka ah.
  • Qof walba waxaa noloshiisa u degsan yoolal kala duwan, sidaa darteed majirto hal nidaam oo sax ah oo qof walba u shaqeynaya.
  • Farsamooyinka xakamaynta khatarta waxa ay kaa caawin karaan inaad la tacaasho isbeddelada lama filaanka ah.
  • Dad badan waxa ay ku guuldarreystaan maaliyaddooda maxaa yeelay waxa ay isku halleeyaan hal ilo dhaqaale ama fursad kali ah.
  • Xakameynta khatarta waxa ay ka dhigan tahay in aad lacagtaada badbaadsato, aad kala duwato maalgelintaada, iyo inaad ka fogaato in aad halmar khasaaro weyn la kulanto.
  • Haddii aad tahay qof sameeya maalgelin, waxaa muhiim ah in aadan lacagtaada oo dhan gelin hal suuq ama hal shirkad, maxaa yeelay haddii ay wax qaldamaan, waxaad luminaysaa wax walba.
  • Dadka caqliga badan waxa ay fahmaan in ay muhiim tahay in ay sameystaan qorshe labaad (backup plan) si ay uga badbaadaan xaaladaha aan la saadaalin karin.
  • Majirto maalgelin aan halis lahayn, laakiin halista waa la xakameyn karaa iyadoo loo marayo taxaddar, baaritaan qoto dheer, iyo kala duwidda ilaha maaliyaddeed.
  • Suuqa dhaqaaluhu wuxuu u dhaqmaa si aan la saadaalin karin.
  • Majiro qof si sax ah u ogaan kara waxa suuqa dhaqaalaha mustaqbalka ka dhici doonna.
  • Waxa kaliya ee la xakameyn karo waa hab-dhaqankaagga iyo sida aad u wajahdo suurtaggalnimada isbeddelada dhaqaale.
  • Dad badan waxa ay sameeyaan qalad ah in ay isku dayaan inay si sax ah u saadaaliyaan dhaqaalaha mustaqbalka, taasoo inta badan horseedda go’aanno maaliyadeed oo qaldan.
  • Markaad fahamto in dhaqaalaha iyo suuqyadu yihiin kuwo isbedbeddelaya, waxaad si deggan u qorsheyn kartaa istiraatiijiyad maaliyaddeed oo waqti dheer ah.
  • Waxaa muhiim ah in la fahmo in hoos u dhacyada suuqyadu ay yihiin wax caadi ah.
  • Suuqyada mararka qaar waxa ay galaan xaaladdo hoos u dhac ah, taasoo caadi ka ah dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha.
  • Inta badan maalqabeennada dhabta ah waa kuwa fahma in wax walba aysan joogto ahaan doonnin, sidaas darteedna ay diyaar u yihiin isbedellada dhaqaale.
  • Waa muhiim in qofka maalgelin sameynaya uu yeesho qorshe wax ka baddalaya isbedellada lama filaanka ah.
  • Halka dad badan ay ka cabsadaan hoos u dhacyada dhaqaalaha, kuwa xirfadda leh waxa ay u arkaan fursad ay lacag uga samayn karaan mustaqbalka.
  • Dadka qaar waxa ay waayaan lacagtooda maxaa yeelay way deg-deggayaan.
  • Go’aannada deg-degga ah ee aan si fiican loo ruugin waxa ay inta badan keennaan khasaare maaliyaddeed.
  • Waxaa muhiim ah in qofku uusan ka fikirin faa’iiddo deg-deg ah, balse uu diirradda saaro mustaqbalka fog.
  • Sabirka iyo ka fogaanta ficilada deg-degga ah waxa ay yareyn karaan khasaaraha aan loo baahnayn.
  • Dad badan oo maalgeliyeyaal ah waxa ay waayaan lacagtooda sababtoo ah waxa ay u maalgeliyaan si deg-deg ah, iyagoon samaynin cilmi-baaris qoto’dheer oo ku saabsan halka ay lacagtooda dhigayaan.
  • Ka taxaddar in aad la socoto dareenka dadweynaha ee suuqyada maaliyaddeed, maxaa yeelay marmarka qaar dadka intiisa badan waxa ay ku dhaqaaqaan ficillo qaldan oo horseedi kara khasaare.
  • Isbeddelada dhaqaalaha iyo suuqyada maalgashiga marwalba waa lama filaan, sidaas   darteed waxaa muhiim ah in qofku ku salaysiiyo go’aannadiisa xog dhab ah iyo cilmi-baaris.
  • Had iyo jeer iskuday inaad kharashaadkaaga hoos u dhigto marka la barbardhigo dakhligaagga.
  • Dad badan waxa ay galayaan dhibaato maaliyaddeed maxaa yeelay waxa ay qarash gareeyaan wax ka badan inta ay kasbadaan.
  • Sida ugu wanaagsan ee xasilloonni dhaqaale lagu gaaro waa in la dhiso caaddooyin kharashaadka lagu xakameeyo, si looga fogaado deyn xad-dhaaf ah.
  • Hadafkaagu waa inuu noqdaa in aad qarash gareyso wax ka yar inta aad kasbato, si aad u yeelato keyd maaliyadeed oo aad ku badbaaddi karta, marki ay xaaladdu jiq kugu noqoto.
  • Inaad si xad dhaaf ah u isticmaasho deymaha, waxa ay sababi kartaa in aad noqoto qof la halgamaya deyn bixin, halkii aad dhaqaale xasilloon dhisan lahayd.
  • Dadka maaliyaddooda si wanaagsan u maareeya waxa ay bartaan in “yoolka dhabta ah ee maaliyadeed uusan ahayn kasbashada lacag badan, balse uu yahay maareynta kharashaadka.”
  • Hadafyada maaliyaddeed ee qeexan waxa ay kaa caawinayaan inaad noqoto qof si wanaagsan u maareeya lacagtiisa.
  • Qorshe la’aanta dhaqaale waxa ay sababi kartaa in lacagtaadu si fudud u baaba’do, iyada oo aan wax faa’iiddo ah laga helin.
  • Qof walba waa inuu leeyahay qorshe mustaqbalka fog ah oo uu ku dejinayo siduu u maareyn lahaa dakhliga iyo qarashaadka.
  • Hadafyada cad cad ee la qoro waxa ay qofka siinayaan jihayn, waxayna sare u qaadaan dadaalkiisa uu ku sameynayo horumarka dhaqaale.
  • Dadka guuleysta ee dhanka maaliyadda waxa ay si sax ah u qorsheeyaan halka ay rabaan in ay gaaraan 5, 10 ama 20 sano gudahood.
  • Hadafyada cad cad waxa ay kaa caawinayaan in aad go’aanno sax ah ka gaarto sida aad u kala hormarin lahayd maalgelinta, kaydka, iyo kharashaadka muhiimka ah.
  • Wax ka badan cilmi iyo aqoon ayaa loo baahan yahay si lacagta loo maareeyo.
  • Dad badan waxa ay aaminsan yihiin in aqoonta maaliyaddeed kaliya ay ku filan tahay si qof u noqdo mid guuleysta, laakiin dhaqanka qofka iyo go’aannada uu qaato ayaa ka muhiimsan.
  • Aqoontu waxa ay kaa caawin kartaa fahamka sida loo sameeyo maalgelin, laakiin haddii aad xakameyn waydo dabeecaddahaaga, waxaa suuraggal ah in aad sameyso go’aanno qaldan.
  • Qof walba wuxuu u baahan yahay in uu yeesho caaddooyin wanaagsan oo maaliyaddeed, sida keydinta joogtada ah, taxaddarka kharashaadka, iyo maaraynta khataraha.
  • Dadka leh aqoonta sare oo xagga dhaqaalaha ah haddana guuldarreystay waxaa sababay in aysan la iman dhaqan maaliyaddeed sugan.
  • Guusha maaliyaddeed waxa ay u baahan tahay in la iskudaro aqoon, anshax, iyo dulqaad.
  • Haddii aad rabto horumar dhaqaale, haku tiirsanaanin aqoonta kaliya, balse u dhaqan si togan, adigoo baranaya go’aannada saxda ah ee lagama maarmaanka u ah maaraynta lacagta.
  • Dad badan waxa ay iskudayaan inay wakhtiga saxda ah sugaan si ay suuqyada uga macaashaan, taasoo keenni karta khasaaro.
  • Waa muhiim in la fahmo in suuqyada maalgashiga aysan la socon xeerar sahlan oo la saadaalin karo.
  • Xitaa maalqabeennada ugu waaweyn sida Warren Buffett waxa ay aqbaleen in aysan awooddin inay si saxda ah u saadaaliyaan marka suuqyada ay kor u kici doonnaan ama hoos u dhici doonnaan.
  • Taas beddelkeeda, waxaa wanaagsan in la raaco istiraatiijiyad maalgelin oo joogto ah, halkii la iskudayi lahaa in la ogaado xilliga ugu fiican ee wax laga iibsado ama la iska iibiyo.
  • Maalgashadayaal badan waxa ay sameeyaan qalad ah inay iskudayaan inay wax badan beddelaan oo ay suuqa isku waafajiyaan, taasoo keenta inay khasaaro badan la kulmaan.
  • Waxaa muhiima in maalgelintu noqoto mid muddo dheer ah oo wadato dulqaad, halkii la raadin lahaa faa’iiddo degdeg ah.
  • Haddii aad rabto guul dhanka maalgelinta ah, waa in aad sameyso qorshe joogto ah oo aad iska ilaaliso ficillada deg-degga ah ee ku saleysan dareenka iyo cabsi ka timaadda isbedellada suuqyada.

Buugga The Psychology of Money wuxuu bixiyaa aragtida dhabta ah ee nolosha maaliyaddeed, wuxuuna inoo bidhaaminnayaa in guusha dhaqaale aysan ahayn mid ku saleysan kasbashada lacag badan kaliya, balse ay tahay fahamka hab-dhaqankaaga iyo sida aad u xakamayn karto go’aannada maaliyaddeed.

Haddii aad rabto in aad si wanaagsan u maarayso lacagtaada, waa in aad diirradda saarto xakameynta rabitaankaagga, samaynta go’aanno xikmad leh, iyo ilaalinta dulqaadka marka aad dhisanayso mustaqbal maaliyaddeed oo sugan.

Buugga The Psychology of Money wuxuu ina barayaa in lacagta la kasbado, la keydiyo, la maalgashado, iyo la maareeyo ay tahay mid ku xiran anshaxa iyo dabeecadda qofka, halkii ay ka ahaan lahayd wax kaliya ku dhisan xisaabaad. Dulqaadka, xakameynta kharashaadka, iyo qorsheynta mustaqbalka waa furaha guusha maaliyaddeed.

Haddii aad rabto in aad si wanaagsan u maamusho dhaqaalahaagga, tilmaamahaan raac:

  • Xakamee kharashaadkaagga
  • Maalgelin si joogto ah u samee
  • Ha iskudayin in aad saadaaliso mustaqbalka dhaqaalaha
  • Xorriyadda dhaqaale ka dhig yoolkaaga ugu weyn
  • Ha isku hallayn lacag badan, balse maareynta saxda ah samee

Haddii aad buuggan akhrido ama dhageysato, waxaad kala bixi doontaa casharro qiimo leh oo kaa caawinaya in aad noloshaada dhaqaale hagaajiso.

Buugga The Psychology of Money wuxuu muujinayaa in guusha maaliyaddeed aysan ahayn mid lagu gaaro aqoon sare oo kaliya, balse ay tahay mid si dhow ugu xiran dabeecadda, dulqaadka, iyo xakameynta dareenka ee la xiriirta lacagta. Lacagtu maaha wax keliya kasbado ama la xisaabiyo; waa shay ay dadku si kala duwan u fahmaan, iyadoo la eegayo waaya-aragnimadoodi hore iyo xaaladahooda nololeed.

Buuggu wuxuu akhristaha barayaa in maalgelinta guuleysata aysan ku xirnayn waqtiga saxda ah ee suuqa la galo, balse ay tahay wax la dhiso muddo dheer, iyadoo la raacayo qorshe maaliyaddeed oo sugan. Wuxuu kaloo iftiiminayaa muhiimadda ay leedahay in la maareeyo kharashaadka, la dhiso caaddooyin wanaagsan oo maaliyaddeed, lagana fogaaddo go’aan qaadasho deg-deg ah oo aan laga fikirin.

Talooyinka buuggu bixinayo waxaa kamid ah:

  • Ku noolaanshaha wax ka yar inta la kasbado (dakhligga kusoo gala)
  • Qorsheynta maaliyaddeed ee fog iyo kaydinta joogtada ah
  • Fahamka in lacag badan aysan la macno ahayn xorriyad dhaqaale
  • Xakameynta rabitaanka xad-dhaafka ah ee kor u kaca heerarkaagga nololeed
  • Samaynta go’aamo ku saleysan dulqaad iyo xigmad, halkii laga raaddin lahaa faa’iiddo deg-deg ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top