Peter Thiel; Muxuu Mustaqbalka ku Tilmaamay?

Marka si kooban loo eego, mustaqbalku waa dhammaan xilliyada aan weli dhicin. Laakiin waxa mustaqbalka ka dhigaya mid gaar ah ma’aha oo keliya inuu weli dhicin, balse waa in uu noqdo waqti ay dunidu si weyn uga duwan tahay maanta. Haddii bulshadeennu waxba iska beddeli waayaan 100 ka sano ee soo socda, markaas mustaqbalku wuxuu noqonnayaa mid 100 sano ka fog. Laakiin haddii isbeddello weyn dhacaan tobanka sano ee soo socda, mustaqbalku wuxuu noqonnayaa mid aad u dhow.

Qofna si sax ah uma saadaalin karo mustaqbalka, laakiin waxaan ognahay laba arrimood:

  1. Mustaqbalku wuu ka duwannaan doonnaa maanta.
  2. Wuxuu kasoo farcami doonnaa adduunka maanta la joogo.

Jawaabaha ugu wanaagsan ee su’aasha lidka ah waxa ayna tusayaan siyaabo cusub oo aan u aragno waqtiga aan hadda nool nahay—waana meesha ugu dhow ee aan uga sii jeedsan karno mustaqbalka si aan indhaha ugu sii jeeddinno.

Peter Thiel Zero to One

Haddaba, maxay tahay jawaabtaydu? Waa tan: Dadka intooda badan waxa ay aaminsan yihiin in mustaqbalku uu noqon doonno mid si dabiici ah u yimaada, laakiin runtu waxa ay tahay in la abuuro oo la dhiso mustaqbalka.

Fikraddan waxa ay salka ku haysaa in hal’abuurka iyo horumarka aynan sugi doonnin in waqtigu uu is beddelo, balse ay ku xiran tahay ficilka aadanaha maanta. Haddii aynaan wax cusub keenni karin, haddii aynaan si geesinimo leh uga leexan dariiqyadii hore loo maray, mustaqbalku ma iman doonno. Waxaa laga yaabaa in aan jiri doonno waqtiyo soo socda, balse “mustaqbal” micnihiisa dhabta ah waa, dunida cusub ee la qiyaasayo, ma noqon doonto wax si toos ah u dhaca. Sidaas darteed, mustaqbalku waa wax la abuuro, ma ahan wax la sugo.

Thiel; waxa ugu weyn ee aan kala dhex bixi karno aragtidiisa, waa in aynaan mustaqbalka ku saleyn karin muddo dheer ama xitaa mid dhaw, laakiin uu bud-dhig uga dhigay aragtidiisa in mustaqbalku yahay sida aan dunida aan ku nool nahay aan wax uga beddelno hormar la taaban karana u gaarno. Taas ayuu asagu ku tilmaamay in la dhihi karo mustaqbal; waana aragtida cilmiyeed ee inoo muujineyso in ay ku qotonto hormar iyo fikir wax dhisaya.

hormar iyo fikir

Xigasho: Buugga HAL’ABUUR (ZERO to One)

Author: Peter Thiel
Turjume: Daljir Cabdullaahi

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top