Taxanaha: Safarka Qoraaga Xirfadlaha ah
Hordhac: Tifaftirka – Halka Fikradda Ku Noqoto Buug
Buug kasta oo wanaagsan wuxuu ka dhashaa fikir wanaagsan, balse tifaftirka ayaa go’aamiya sida fikirkaasi usoo ifbaxo. Tifaftirku ma aha kaliya in la saxo higgaad ama qalad erayeed; balse waa farsamadii lagu nooleyn lahaa qoraalka.
Buugga aan la tifaftirin waa sida dahab aan la nadiifin: qiimo wuu leeyahay, balse quruxdiisa lama arko. Laakiin buugga la tifaftiray — waa mid bidhaan qurxan leh, nadiif ah, oo si xirfad leh u dhisan, una muuqda sidii qoraagu damacsanaa ama xitaa ka wanaagsan.
Bulshadeenna Soomaalida ah, tifaftirka buugta weli si buuxda looma fahmin. Qaar waxa ay u arkaan hawl lagu raadinayo qalad oo kaliya, qaarna waxa ay moodaan in uu yahay dhaleecayn. Laakiin tifaftirku dhab ahaantii waa marxalad hal-abuur leh, halkaas oo qoraalka lagu toosinayo, lagu xoojinayo, laguna qurxiyo si uu u noqdo mid akhristaha soo jiidan karo in ka badan inta la filayo.
Aan hadda si tartiib ah u eegno afarta heer ee uu buuggu maro kahor inta uusan noqon buug rasmi ah.

1. Heerka Koowaad: Qiimeynta Hore
Waa Maxay Qiimeynta Hore?
Qiimeynta hore waa baaritaanka guud ee lagu sameeyo buug dhammaystiran ama qabyada ah si loo fahmo tayadiisa. Tani waa sida dhakhtarku u sameeya baaritaan kahor daawo qoridda.
Tifaftire khibrad leh ayaa akhrinaya buugga, isagoo eegaya:
- Fikradda guud iyo ujeeddada buugga,
- Isku-xirnaanta cutubyada,
- In fariinta buuggu si cad u muuqato.
Maxaa Lagu Ogaadaa?
- In buuggu leeyahay fariin mideysan iyo ujeeddo cad.
- In qaab-dhismeedku uu saxan yahay.
- In akhristaha la bartilmaameedsanayo si fiican loo fahmi karo.
Kadib waxaa la diyaariyaa warbixin qiimeyn ah[1] oo tilmaamaysa meelaha u baahan hagaajinta, sida:
- Cutub daciif ah ama ku celcelin ah.
- Meelaha aan si fiican u toosneyn.
- Fikrado u baahan caddeyn ama isku-xir.
Tani waa marxalad aad muhiim u ah, maxaa yeelay waxa ay go’aamisaa nooca tifaftirka ee buuggu u baahan yahay.
2. Heerka Labaad: Tifaftirka Nuxurka[2]
Tani waa meesha buuggu nuxur iyo qaab yeesho.
Ujeeddo: In la hagaajiyo qaab-dhismeedka guud, isku-xirka cutubyada, iyo fikradda buugga, si fariinta loo siiyo ruux iyo socod.
Tifaftirka nuxurku ma saxo erayada ee wuxuu dib u dhisaa nuxurka iyo socodka fikirka.
Waxyaabaha uu Tifaftiruhu Sameeyo:
- Dib-u-habeyn Cutubyada:– Ma kala socdaan mise way is-diidan yihiin?
- Fikradaha Hoose iyo Kuwa Sare:– Ma taageerayaan fariinta guud?
- Bilowga iyo Dhammaadka:– Ma isku dheellitiran yihiin? Majiraa gunnaanad adag oo isku-xiraya qoraalka guud/sheekada?
- Akhristaha:– Buuggu ma la hadlayaa akhristaha uu ku socdo?
Tifaftiraha nuxurku wuxuu qoraaga weydiiyaa su’aalo qoto dheer sida:
“Cutubkan muxuu ku kordhinayaa fariinta guud?”
“Akhristuhu muxuu dareemayaa marka uu kan akhrinayo?”
Marka la dhammeeyo marxaladdan, buuggu wuxuu yeeshaa laf-dhabar adag, ruux leh, iyo jihaynta saxda ah.
3. Heerka Saddexaad: Tifaftirka Weeraha iyo Luuqadda[3]
Marka qaab-dhismeedka buugga la hagaajiyo, waxaa la guda galayaa “nadiifinta” weeraha iyo luuqadda.
A. Tifaftirka Weeraha[4]:
Ujeeddadu waa in la hubiyo in weedh kasta iyo cutub kasta ay yihiin kuwo:
- Cad (Clear),
- Fudud (Concise),
- Isla markaana soo Jiidasha leh (Engaging).
Qoraaga fiican waa mid ka taga weeraha aan loo baahnayn, isagoo ilaalinaya macnaha guud.
Tusaale: “Marka la eego duruufaha adag ee nolosha, qofku wuxuu u baahan yahay inuu yeesho istaraatiijiyad maskaxeed oo uu ku xakameeyo xaaladaha adag.”
Tifaftirka kadib: “Marka noloshu adkaato, qofku wuxuu u baahan yahay maskax deggan iyo qorshe uu ku xasiliyo.”
Weeraha waxa ay lamid yihiin farshaxanka — waa la jarayaa si ay ugu muqato quruxda asalka ah.
B. Tifaftirka Luuqadda[5]:
Marxaladdan waxaa diirradda lagu saaraa:
Tusaale: “Buuggan” iyo “Buug-gan” waa laba qoraal oo sax ah, laakiin waa in mid la doorto oo buugga oo dhan lagu isticmaalaa.
Copy Editing waa tallaabada ka dhigta qoraalka “mid si fudud loo akhrin karo oo nadiif ah.”
4. Heerka Afraad: Hubinta Ugu Dambeysa[10]
Tani waa heerka ugu dambeeya, kahor inta aan la daabicin.
Proofreading waa hubinta dhammaan faahfaahinta:
- In uusan jirin qalad higgaaddeed,
- In boggaga iyo cinwaannada ay saxan yihiin,
- In cutubyada iyo qoraalka la is waafajiyay.
Tusaale ahaan, waxaa la hubiyaa:
- Bogaggu ma isla socdaan?
- Calaamadaha joogsiga iyo calaamad su’aalku ma sax yihiin?
- Majiraan weero go’an ama isdaba-yaal khaldan ah?
Proofreading waa sida “baaritaanka ugu dambeeya” ee kahor inta aan la daabacin, si buuggu u noqdo mid dhammaystiran oo xirfad ahaan fadhiya.

5. Sababta Tifaftirka iyo Saxiddu Muhiim Ugu Yihiin
- Tifaftirku wuxuu nadiifiyaa fikirka qoraaga. – Wuxuu ka caawiyaa inuu arko meelaha uu isagu il-duufay.
- Wuxuu dhisaa sulsulka[1] buugga. – Fikrad walba waxa ay noqotaa tallaabo cusub oo akhristaha ku hoggaamisa bartilmaameed cad.
- Wuxuu ilaalinayaa akhristaha. – Akhristuhu wuu ku raaxaystaa qoraalka nadiifka ah; wuuna jiha-wareeraa marka uu khalad la kulmo.Wuxuu dhisaa sumcadda qoraaga. – Buug tifaftiran; waa buug la aamini karo ama kalsoonni la siin karo.
- Wuxuu kordhiyaa cimriga buugga. – Buug tifaftiran; waa mid aan gaboow suuqeed ka baqayn; waa mid akhristayaasha cusub mar walba soo jiidanaya.
6. Farqiga u Dhexeeya Tifaftirka iyo Saxidda
| Qodob | Tifaftirka[12] | Saxidda[13] |
| Goorta La Sameeyo | Kahor buugga in aan la wada dhammayn | Kadib marka buugga dhameystirmo |
| Ujeeddo | In la hagaajiyo nuxurka iyo qaabka qoraalka | In la hubiyo qaladaadka yaryar ee daabacaadda |
| Qofka Fuliya | Tifaftire aqoon iyo waaya’aragnimo buuggeed leh | Qof xirfad u leh erayada iyo naxwaha luuqadda |
| Natiijo | Buug si maskaxeed u dhisan | Buug nadiif ah oo la daabici karo |
Labadoodu waa lama huraan: mid waa dhisaa, midna nadiifiye.
7. Farsamooyinka Tifaftirka Xirfadeed
- Akhrinta Codka ah[14]: – Markaad buugga cod ku akhriso, waxaad si degdeg ah u ogaan kartaa weeraha adag ama aan toosnayn.
- Akhrinta Guud[15]: – Kahor inta aanad eray kasta saxin, hubi fikirka guud iyo socodka.
- Joogtaynta[16]: – Magacyada, erayada, iyo cinwaannada waa in ay ahaadaan kuwa joogto ah, ama hal qaab oo aan isbeddeleyn u isticmaashaa.
- Tifaftir Dijitaal ah[17]: – Isticmaal qalabka casriga ah sida Word Track Changes ama Google Docs Suggestions si aad ula socoto isbeddel kasta, waase haddii luuqadda ay aqoonsan yihiin.
- Akhristayaasha Ka Tala-bixinta[18]: – Hel dad akhriya buugga kahor daabacaadda, si ay kuu tusaan meelaha u baahan faahfaahin ama caddeyn.
8. Khaladaadka Caanka ah ee Qoreyaasha iyo Tifaftireyaasha Cusub
- Inay buugga daabacaan iyagoo aan tifaftirin.
- Inay tifaftirka ku koobaan higgaad iyo eray keliya.
- Inay buugga ka saaraan qaybo muhiim ah si degdeg ah.
- Inay adeegsadaan ra’yigooda halkii ay adeegsan lahaayeen xirfad.
Xalka: Tifaftirku waa cilmi iyo nidaam. Waa in la lahaadaa kala horreyn, dulqaad, iyo faham buuggeed dhammeystiran.
9. Tusaale Dhab Ah: Buug Liita oo Noqday Mid Heer Sare ah
Waxaa jira buug qoraagu qoro isagoo daacad ah, balse jaahwareersan — cutubyo isku dhex yaacsan, weero adag, iyo fariin aan muuqan.
Marka tifaftirka saxda ah lagu sameeyo:
- Cutubyada waa la nidaamiyaa,
- Weeraha waa la fududeeyaa,
- Fikradaha waa la mideeyaa,
- Luuqadda waa la nadiifiyaa.
Kadib, buuggaas liitaa wuxuu isu beddelaa mid akhristaha u hoggaamiya si deggan oo macaan. Tani waa awoodda tifaftirka — awood lagu toosin karo qoraalka iyo qoraaga labadaba.
Goob Aragtiyeed
Daljir Show – Buug Badan Ka Daawo
10. Gunnaanad: Tifaftirku Waa Naf, Saxidduna Waa Ogsajiin
Buugga aan la tifaftirin waa socod aan lahayn jiho; buug aan la saxinna waa howl aan laheyn hadaf. Tifaftirku waa halka uu qoraalku ka helo faham, isku xirnaan, iyo ruux; Saxidduna waa halka uu ku helo nadaafad, isku miisaan, iyo dhadhan.
Labadooduba waa lama huraan — midna la’aantiis buuggu ma sii jiri karo, midna la’aantiis ma qurxoonaan karo.
Qoraa kasta oo doonnaya in buuggiisu yeesho cumri dheer waa inuu ogaadaa in tifaftirku uusan ahayn “khalad raadin,” balse uu yahay hal-abuur labaad; hal-abuur lagu hagaajinayo hal-abuurkiisi hore.
Qormada Xigta ee Taxanahan:
Habeynta iyo Daabacaadda Buugga – Sida Qoraalka Loo Beddelo Buug Qurux Leh oo Diyaar u ah Akhrin iyo Suuqgeyn.
Waxaan ku fahmi doonnaa sida loo sameeyo muuqaal sax ah, doorashada farta, naqshada jaldiga, iyo diyaarinta eBook & Noocyada Daabacaad.
TAXANAHA: SAFARKA QORAAGA XIRFADLAHA AH
- Fikradda iyo Ujeeddada Qoraalka ✅
- Qaab-Dhismeedka Buugga Iyo Maqaalka ✅
- Dabeecadda iyo Luuqadda Buugga Iyo Maqaalka ✅
- Tifaftirka iyo Saxidda Buugga Iyo Maqaalka ✅
- Habeynta iyo Daabacaadda Buugga Iyo Maqaalka
- Afmeerka Taxanaha: Safarka Qoraaga Xirfadlaha Ah

[1] Evaluation Report
[2] Developmental Editing
[3] Line Editing & Copy Editing
[4] Line Editing
[5] Copy Editing
[6] Grammar
[7] Spelling
[8] Punctuation
[9] Consistency
[10] Proofreading
[11] socodka
[12] Editing
[13] Proofreading
[14] Read Aloud
[15] Zoom Out
[16] Consistency Check
[17] Track Changes
[18] Beta Readers













